PodcastsOverheidMaamul Wanaag

Maamul Wanaag

Somali Public Agenda
Maamul Wanaag
Nieuwste aflevering

66 afleveringen

  • Maamul Wanaag

    Casharrada Laga Baran Karo Doorashooyinkii Dhacay 1954 ilaa 1969

    09-2-2026 | 53 Min.
    Soomaaliya waxa ay ku jirtaa marxalad doorasho. Dhawaan dadka ku nool Muqdisho ayaa qaarkood ka qeyb galay doorasho gole deegaan oo Muqdisho laga qabtay kadib muddo ka badan 55 sano. Maxaa casharro ah oo laga baran karaa doorashooyinkii dhacay kahor iyo kadib xornimadii dalka?
    Qeybtan 66-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & & Abukaate Maxamed Ciise Turunji, oo khabiir ku ah taariikhda & sharciyada buugaagna ka qoray, ayaa isla gorfeynaya casharrada laga baran karo doorashooyinkii dhacay muddadii u dhaxaysay 1954 iyo 1969.
    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
    · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
    · Email us at [email protected]
    Thanks for listening!
  • Maamul Wanaag

    Saameynta Aqoonsiga Israel ee Somaliland ku yeelan karo Somaliland, Soomaaliya & Gobolka

    28-1-2026 | 52 Min.
    Israel ayaa dhamaadkii 2025 aqoonsatay Somaliland. Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacday warbixin gorfeyneysa sababaha loo maleyn karo in ay keeneen aqoonsiga, iyo saameynta uu ku yeelan karo Somaliland, Somalia & gobolka.
    Qeybtan 65-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge, ayaa Farxaan Isxaaq Yuusuf & Dr Aweis Ahmed, oo ka tirsan SPA islana qoray warbixinta, su’aalo ka weydiiyay nuxurka warbixinta & talooyinka ay soo jeedisay.
    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
    · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
    · Email us at [email protected]
    Thanks for listening!
  • Maamul Wanaag

    Hannaankii Midowga Gobollada Waqooyi iyo Koonfur & Dhismihii Jamhuuriyadda Soomaaliya (1960)

    27-1-2026 | 34 Min.
    Israel ayaa 25-kii Disembar 2025 aqoonsatay Somaliland. Doodda Somaliland 34-tii sano ee ugu dambeysay waxa ay ahayd in ay ahayd dal madax-banaani qaatay 26-kii Juun 1960-kii kahor inta aanu ku biirin Soomaaliya madax-bannaanidiisiina uu dib ula noqday. Su’aasha muhiimka ah ee iftiiminta u baahan waa sida uu ahaa midowga iyo hannaanka sharci ee loo maray.
    Qeybtan 64-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Abukaate Maxamed Ciise Turunji, oo khabiir ku ah taariikhda & sharciyada buugaagna ka qoray, ayaa isla gorfeynaya hannaankii midowga gobollada Waqooyi iyo Koonfur & dhismihii Jamhuuriyadda Soomaaliya 1960-kii.
    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
    · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
    · Email us at [email protected]
    Thanks for listening!
  • Maamul Wanaag

    Nooca Dowladnimada Miyay Naga Baahday? Tirada Siyaasiyiinta iyo Baaxadda Hay'addaha Dowladda

    22-12-2025 | 44 Min.
    Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya oo hadda falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo dowlad-dhiska Mohamed Mukhtar Ibrahim ayaa dhawaan qoray labo maqaal oo ka hadlaya metelaadda iyo baaxadda hay’adaha dowladda ee heer federal iyo heer dowlad-goboleed. Maqaalka koowaad wuxuu ugu magac daray “Ma u baahan nahay 999 wakiil, 8 Madaxweyne iyo 6 Madaxweyne ku Xigeen, 1 Raisul Wasaare, 2 Raisul Wasaare Ku Xigeen, iyo 454 Wasiir?” Waxa uu ku dooday in tiradan badan ay keentay metelaad xumi, culays dhaqaale, adeeg xumi iyo isla xisaabtan la’aan. 
    Maqaalka labaad waxa uu kaga hadlay in ay dalka ka jiraan in ka badan 340 hay’adood oo dowli ah oo oo qabta howlo isku mid ah.  Waxa uu su’aal ka keenay tirad badan ee siyaasiyiinta iyo hay’adaha dalka ka jira. Qeybtan 63-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Mohamed Mukhtar Ibrahim ayaa ku gorfeynaya nuxurka labada maqaal, sababaha ku dhaliyay in uu qoro, iyo xalka.
    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
    · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
    · Email us at [email protected]
    Thanks for listening!
  • Maamul Wanaag

    Jamhuuriyadda Saddexaad 25 Sano Kadib Shirkii Nabadda ee Carta

    03-12-2025 | 1 u. 11 Min.
    25 sano ayaa laga joogaa markii bishii August 2000 lagu dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad ee magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Shir lagu maamuusayo sanadguuradaas ayaa dhawaan lagu qabtay magaalada Carta. Geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya rubuc qarni kadib weli waa qabyo. Nidaamkii federaalka weli lama dhameystirin. Dib-u-eegista dastuurka weli waa socotaa. Dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyadana khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhex taagan. 
    Qeybtan 62-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr. Abdurahman Abdullahi Baadiyow, oo ah Lataliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee Arrimaha Dib-u-heshiisiinta, ayaa ku gorfeynaya jamhuuriyadda 3-aad 25 sano kadib.
    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
    · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
    · Email us at [email protected]
    Thanks for listening!

Meer Overheid podcasts

Over Maamul Wanaag

Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast.
Podcast website

Luister naar Maamul Wanaag, De Wettenfabriek en vele andere podcasts van over de hele wereld met de radio.net-app

Ontvang de gratis radio.net app

  • Zenders en podcasts om te bookmarken
  • Streamen via Wi-Fi of Bluetooth
  • Ondersteunt Carplay & Android Auto
  • Veel andere app-functies

Maamul Wanaag: Podcasts in familie